Awdalstatenews.com

Baro Dhulkaaga Xariirad, Ugaas Samatar iyo Hawdka Malaaseed

Marka aad DaryaDheere dhaafto xagga waqooyi waxad sii mari halkii ay Aroorseel ahaan jirtey, iyo hawd aad u geedo badan. Dhulkan hawdka ahi waa banaan ilaa 30KM oo isku soo wareeg ah, waxuu u dhexeeya buuraha libaaxley cad (dhinac bari), buuraha biilalay (koonfur), buuraha Malaas iyo Geed goble (galbeed) iyo buurta Garigo’an (dhinaca waqooyi), hawdka waxa dhexmara dixo badan oo buurahaas oo dhan ka soo rogmada, waxay leeyihiin qaar yar iyo qaar waawayn sida dixda wayne ee layidhaahdo Dixgudban ee badda saylac ku aroorta ugu dambaynta. Hawdkani waa meesha ugu geedo badnayd ee ugu geeda dhaadheereyd een arkay intaan dhulkaas marayay, waxa aad ugu badan ugaadha siiba garanuugta iyo harimacadka, waana halkii ugu dambaysay ee lagu arko libaax waqooyiga soomaaliya oo dhan sanadihii 95/6 kii oo uu marma magaalada xariirad oo lagaguuray hadhsanjirey guryaheeda.
Halkan ka daawo hawdka: http://www.youtube.com/watch?v=Uw8dSP0o_pw

Hawka oo waagu u baryaayo: https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710589929618390546

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710590060895274546

Xariirad

Dhinaca waqooyi markaad u kacdo halka ay iskugu yimaadaan buuraha Garigo’an iyo Libaaxley waxa ku taalla magaalada Xariirad, waxay ku taalla xadka Ethiopia. Xariirad waxa ahayd halkii ay ka baxeen 77kii ciidamadii galay Diridhaba waxa la sheegaa in 300 oo dibaabadoo oo ciidankii soomalidu wateen ay halkaa ka baxeen barigaas, waxaanay ahayd magaalooyinka ay ugu garaacis badnayd diyaaradihii dagaalka xabashidu. Waxa xoogaga xariirad tuullaan jiray intaan la sifaynin hadda gantaalo diyaaradeed oo badan oo aan wali qarxin. Waxa ka baxa afar dariiqa, Wadadii qayaad cabsiiye oo u baxda dhanka buurta libaaxley, dariiqa jabuuti, ka boorama iyo mid diridhaba u baxa.

Ugaas Samatar

Xariirad halka laga galo waxa ku aasan ugaas Samatar oo ahaa ugaaskii beelaha gadabuursi sanadihii 1770 nadii. Dadka deegaanku waxay ii sheegeen inuu intuusan geeriyoon ugaas Samatar uu ku riyooday isagoo Abeeso qaniintay, markaa si abeesada looga ilaaliyo waxa awr ku sidi jirey nin Kabaharag ah. Laakiin habeen habeenada ka mid ah ayuu kaadi uga dhaadhacay awrkii dabadeedna halkaasaa abeesadii ku qaniintay tiisiina way ku noqotay Allaha u naxariistee

Halkan ka daawo qabriga Ugaas Samatar Video: http://www.youtube.com/watch?v=teY13zZ3byg

Halkan Ka daawo Sawirro: https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710577720226755202

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710577600335813890

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710577574058757698

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710579629930823266

Qabriga agtiisa waxa jira geed uu hoos fadhiisanjirey geesigii Axmed Xaaji Bahdoon

Dudub

Xariirad dhankeeda waqooyi waxa ku aasan Dudub oo aad looga karaameeyo deegaanka iyo gobolkaba, halkan Ka daawo qabrigii Dudub: http://www.youtube.com/watch?v=ghjIApWq6PI

Sawirro:

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/Dudub#5710882877505526194

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/Dudub#5710882080696111586

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/Dudub#5710881307524147522

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/Dudub#5710883141939562834

Garanuug daaqaysa kaynta Dudub: http://www.youtube.com/watch?v=5slj-tC2s0g

Beer beeraha Xariirad ka mid ah: http://www.youtube.com/watch?v=9RpohkCwugA iyo kan kale: http://www.youtube.com/watch?v=HR7Ouo4ZvXU

Digir ka baxda xariirad: https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710569806121959874

Xariirad Sawirro ka daawo:

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710586514251528962

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710587994175312226

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710588536734988850

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February182012#5710584452194394178

https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/Dudub#5710872740227785266

Dixdii Cismaan Kheyr ku aasnaa: https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/Dudub#5710880393601029154

Videos XAriirad: http://www.youtube.com/watch?v=SZLQsaHEVaI
Dixgudban, meelaha ugu biyo badan wadanka: http://www.youtube.com/watch?v=KiAllc1b_uE

Leave a Reply









Photo Gallery

Log in | onlined by SRH